GUDAHA/wararka

Kulan looga hadlay Mustaqbalka howlgalka AUSSOM

Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlay Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiillo ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaanka howlgalka AUSSOM, Dalalka Ciidamada ku deeqay, Wadamada Afrika ku malata Golaha Ammaanka iyo Xubno kale oo ka socday Qaramada Midoobay.

War-saxaafadeed ka soo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saarey sidii loo taageeri lahaa  dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan la wareegida Mas’uuliyadda Amniga Dalkooda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii taageero dhaqaale loogu heli lahaa Ciidamada AUSSOM, xilli dhawaan Mareykanka joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray Xafiiska QM ee UNSOS.

Mareykanka ayaa tilmaamay in Balaayiin Dollar kaga baxday howlgallada amni ee ka socda Soomaaliya, isla markaasna Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay qaadato mas’uuliyadda Amniga dalkeeda.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

10 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

15 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

18 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

20 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

21 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

21 hours ago