GUDAHA/wararka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo tagay Suuriya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Dalka Suuriya, waxaana soo dhaweyn u sameeyay Mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Dimishiq iyada oo ammaanka sare loo adkeeyay.

Waxaa Xoghaye Antonio Guterres lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suuriya Axmed Al-Sharca si ay uga wadahadlaan xaaladaha bani aadamnimo ee dalkaas iyo garab istaagga Qaramada Midoobay sida xogaha la helayo ay sheegayaan.

Sanadkii 2017kii ayaa ugu dambaysay in uu tago dalkaas Suuriya ee soo maray colaadaha sokeeye iyo kuwa dalalka kala duwan ku dhexmartay dalkaan oo dhibaatooyin bani aadamnimo wajahay sanadihii lasoo dhaafay.

“Waxa aan soo gaaray Dimishiq si aan u sameeyo booqasho muujinaysa garab istaagga iyo taageerista Suuriya, Qaramada Midoobay waxa ay dhinac taagan tahay Suuriya, Beesha Caalamka waxa aan ugu baaqayaa in sidaas oo kale u garab istaagto dedaallada socda” Sidaasi waxaa yiri Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres.

Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in ay sal adkeyso xiriirka ay la wadaagto Suuriya iyada oo laga faa’iidaysanayo fursadaha muuqda ee ka dhashay isbaddelka cusub uu dalkaas galay December sannadkii 2024.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

11 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

16 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

19 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

21 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

22 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

22 hours ago