GUDAHA/wararka

Maxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi iyo Madaxa Howlgalka AUSSOM?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasiloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro marxaladda kala guurka ee dhanka amniga.

Wasiirka iyo Ergeyga ayaa si qoto dheer uga wada hadlay taageerada dhinacyada badan leh ee AUSSOM ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan fulinta howlgallada ka dhanka ah AS.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa boggaadiyay doorka Midowga Afrika ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxa Howlgalka AUSSOM, Mudane El Hadji Ibrahima Diene, ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay ka gaartay dhanka amniga iyo dib-u-habaynta ciidanka, wuxuuna caddeeyay in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada hagar-la’aanta ah ee ay siiso Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Mareykanka uu joojiyay dhaqaalaha uu siin jiray Xafiiska UNSOS oo ay hoos yimaadan Ciidamada AUSSOM.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

9 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

14 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

18 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

19 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

20 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

20 hours ago