Ergada ku howllan diyaarinta kulanka 2aad ee Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegaya in kulanka labada hoggaamiye uu ka dhacayo dalka Vietnam.
Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Kuuriya ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Seul ee Koofurta Kuuriya,waxaa uu Arbacada tagayaa Magaalada Pyongyang ee caasimadda waqooyiga Kuuriya.
Shaki badan ayaa laga muujinayaa natiijada shirkan oo la doonayo in uu ka faah faahsanaado shirkii 12kii June 2018 labada hoggaamiye ku dhex maray Singapore.
Shirkan waxaa xoogga lagu saarayaa baabi’inta Nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya, qaadista cunaqabateynta Mareykanka iyo saxiixidda heshiisyo u badan nabadgelyada iyo amaanka.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa ka dhici doona dhamaadka Bishan Febraury Magaalada Danang ee Dalka Vietnam.
Muhiimadda Vietnam u leedahay labada dhinaca waxaa ka mid ah in Kuuriyada waqooyi iyo Vietnam ay ka simanyihiin nidaamka Shuuciga ah iyo xoojinta dhaqaalaha.
Mareykanakw axaa uu Vietnam u daneynaa in uu ka hortago si aysan isbaheysi ula noqon China oo awooddeeda Aasiya sii baahineysa.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…