Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Qarax Miino uu ku dhintay Abaanduulihii qeybta 12ka April ee Ciidanka Xoogga dalka.
Korneyl Cabdi Salaan Aadan Kurjow, ayey wararku sheegayaan in uu ku geeriyooday Qarax Miino oo haleelay gaari uu la socday.
Saraakiisha Maamulka Gobolka Shabellaha hoose ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Korneyl Kurjow ay la dhinteen saraakiil kale oo Gaariga la saarnaa kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin wali.
C/Salaan ayaa xilkan ka beddelay Jeneraal Cabdi Cali Jamaame oo isaguna qarax miino ku dhintay lixdii December sanadkii la soo dhaafay.
Jeneraal Jamaame waxaa weerarkaas kula dhintay Jeneraal Cumar Dheere oo ahaa Taliyaha qeybta 12ka April ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya..
Weerarka Miinada ah ayaa ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan degaankii uu qaraxii hore ka dhacay oo lagu magacaabo Dhanaane.
Gaashaanlle sare C/Salaan Aadan Kurjow ayaa xilkan loo magacaabay 26kii Bishii December 20 maalmood kaddib geerida abaanduulahii uu isaga beddelay ee Jeneraal Jamaame lagu magacaabayay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…