Khilaafka Xuduudeed ee Jabuuti iyo Ereteriya

Aqoonyahanada soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyey cabashada dowlada Jabuuti ee hadaladii Madaxweyne Farmaajo uu uga dhawaaqey Magaaladda Asmara ee dalka Eretria; xili uu ku  joogey booqasho rasmi ah, isaga oo sheegay in ay codsanayaan in laga qaado xayiraadda caalamiga ah saaran dalka Ereteria tan iyo sanadkii 2009;  taas oo ay dadaal dheer u gashay dowlada Jabuuti in lagu takooro dalkan iyada oo ay caawinayaan diblomaasiyiin Soomaali iyo Itoobiyaan ah, madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba soo hadal qaadin khilaafka xuduudeed ee Raas Dumeera[1] ee kala dhexeeya dalka Jabuuti xitaa madaxweynuhu  kuma bogaadin labada dal in ay ku dhameeyaan khilaafka qaab nabadeed.

Haddaba  waa Maxay Khilaafka labada dal ee dhinaca xuduuda Raas Dumeera kaas oo sababay khasaaro nafeed iyo hantiyeed,

Khilaafka Raas Dumeera waxa uu soo shaac baxay ka hor xornimadii labada dal xilli uu joogeen gumeystayaashii Ingiriiska , Talyaaniga iyo faransiiska ee iskaga dambeeyey Maamulka dhulweynahii Soomaaliyeed ee xuduudda la lahaa Dalka Ereteria gaar ahaan aagga Raas Dumeera

Heshiiskii  xudduudda  (Boundary Agreement) oo dhacay1900 ayaa si cad u qeexay in Raas Dumeera ay tahay dhul ka tirsan Somaalida faransiisku Maamulo ee xeebta Jabuuti, oo kaddib xorriyaddii  noqday Jamhuuriyadda Jibuuti

January 1935-kii, heshiis ay kala saxiixdeen Dowladaha Italy iyo France (Frenco-Italian Agreement) ayaa qeyb ka mid ah dhulka Somaalida Faransiisku Maamulo waxa uu ku daray xudduudka dhulalka uu ka taliyo Talyaaniga oo  ay ku jiray dalka Eritrea.

Dowladda  Ereteria ayaa waxa ay April 1996-kii gudaha u gashay qiyaastii  7km xuduuda Ras Doumeira halkaas oo ay iska caabin kala kulantay ciidanka Dalka Jabuuti

sidaas oo kale dagaal dhexmaray Jabuuti iyo Erateriya oo socday 10-13 bishii April-2008 ayaa waxa ku dhintay qiyaastii 44 Askari oo Jabuutiyaan ah waxaana ku dhaawacmay khiyaastii 55 Askari, halka dalka Erateria ay uga dhinteen khiyaastii 100 Askari

Dowlada Ereteriya ayaa illaa hadda inkirsan ama diiddan jiritaanka iyo  haysashada maxaabiis tiradoodu tahay 19 Jabuutiyaan ah oo shacab iyo  iskugu jira

Qaraarkii Golaha Amaanka QM ee ee tirsigiisu ahaa 1862 oo soo baxay January 14, 2009 ayaa ugu baaqey labada dal in ay ku dhameeyaan khilaafkooda hab  nabadeed , sidaas oo kalana waxa uu qaraarkaasi ku waajibiyey dowlada Ereteria in ay ka baxdo dhulalka dalka Jabuuti.

Unug ka tirsan ciidanka Jamhuuriyadda Jibuuti ee ku sugan dhulka lagu muransan yahay ee Jibuuti iyo Erateriya

23-December 2009, Golaha Amaanka QM ayaa ku soo rogay Erateriya cunaqabateyn kadib markii lagu eedeeyey  3; arrimood oo culus, kuwaas oo kala ahaa

  1. kaalmeynta kooxo dhib ka wada soomaaliya
  2. hay’sashada iyo ka bixid la’aanta dhulka Jibuuti
  3. fulin iyo u hogaansanaan la’aanta  Qaraarkii Golaha Amaanka QM ee ee tirsigiisu ahaa 1862

Billowgii bishii June 2010, dowladaha Djibouti iyo Eriteriya ayaa ku heshiiyey in ay aqbalaan dhexdhexaanta dalka Qatar; dhexdhexaadintaas waxa  taageeray Midawga Afrika.

March-2016, Dowlada Ereteria ayaa sii deysay 4 maxbuus oo Jabuutiyaan ah, kuwaas oo ay ku qabsatay dagaalkii 2008.

Kadib Khilaafkii dowladaha Khaliijka ee lagu go’doomiyey dowlwadda Qatar,  waxa ay Qatar ciidamadeedii kala baxday dhulalkii ay ku wareejiyeen labada dal iyada oo aan wax digniin ah siin dalka Jabuuti taas oo keentay in dowlada Eritrea ay si fudud ku qabsato qeybo ka mid ah  aagga dumeera iyo Jaziiirada Dumeera, waxa jirtay digniin iyo fulin isku mar ah oo ay Qatar gaarsiiyey Jibuuti taas oo ka dhignayd in Qatar ka jawaabeyso go’aanka Jibuuti ee ku wajahan khilaafka waddamada Khiliijka.

Ciidanka Qatar ee laga saaray dhulka u dhexeeya Ereteriya iyo Jibuuti, Sawirka KARIM JAAFAR/AFP/Getty Images)

Haddaba hadii dowladda Soomaaliyeed ku guul-dareysato dib u soo celinta dhulka NFD ee Kenya haysato iyo Soomaali galbeed oo Itoobiya haysato waxaa guul-darro kale ah in xeebta Jibuuti oo maanta ah jamhuuriyadda Jibuuti oo haysata taageero caalami ah iyo dood qaanuuni ah oo ay QM qayb ka tahay in ay weyso garabka iyo taageerada Soomaaliya si ay u difaacato dhulweynaha Raas Dumeera iyo Jaziiradda Dumeera.

Maxaa la gudboon Hoggaanka Soomaaliya

Khilaafkii ka dhashay go’aankii ay waddamada khiliijku ku go’doomiyeen Qatar, waxa uu sababay in Jibuuti hoos u dhigto xiriirka ay la leedahay Qatar, sidaas oo kalana ay taageerto go’aanka ka dhanka Qatar, kaddibna Qatar iyada oo ka aargudaneysa Jibuuti waxa ay la baxday ciidankeedii joogay xadka labada dale e Jibuuti iyo Errateriya, iyada oo aan wax digniin iyo ogeysiis ah siin Jibuuti, taasina waxa ay sababtay in ciidanka Ereteria isaga oo ka faa’iideysanaya tallaabada Qatar uu soo galo oo qabsado dhulkii lagu aaminay Qatar.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed; waxa la gudboonayd in uu qaado 3; tallaabo middood

  1. In uu qaato kaalin nabad raadin ah jeediyana Baaq ku wajahan labada dal oo ku saabsan dhammeynta muranka xudduudda ee u dhexeeya iyada oo la marayo hab wadahadal.
  2. In uu taageero Qaraarka QM ee cunaqabateynta caalamiga ah saaray Errateriya, qaraarkaas oo faraya in  Errateriya ka baxdo aagga Raas Dumeera.
  3. In dhulka ka maqan Jibuuti lagu taageero cudud, Af iyo niyad-dhisba

Tallaabada uu madaxweyne Farmaajo qaaday ee ku wajahan dhawaaqa  in Ereteria laga qaado cunaqabateynta caalamiga ah waxa ay dabada ku wadataa luminta saaxiibbo muhiimka oo gobolka iyo qaaraddaba ku sugan, waxaana suuragal ah in sababtu tahay la taliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka qaanuunka, Xiriirka Caalamiga ah iyo siyaasadaha isdiiddan ee ku xeeran Jamhuuriyadda Soomaaliya

Erateriya waxa ay dagaal la gashay inta badan waddamada deriska la ah sida Jibuuti, Itoobiya iyo Yamen iyo Suudaan, taas oo ka dhigan in ay ku sugan tahay xaalad go’doomin ah waxa ay u baahan tahay saaxiib iyo jaal wanaagsan oo ka soo bixiya mashaakilka ka haysta xiriirka dibadda, haddaba dowladda Soomaaliyeed waxa ay u baahantay la taliyeyaal waaya-arag iyo aqoon yahan adag ah oo si deggan u wajaha danaha iyo muranada isku dhex miliqsan ee gobolka iyo caalamka si aan hoggaanka Soomaaliyeed ugu hafan mowjadda xiriirka caalamka una lumin dan ama maslaxad Soomaaliyeed oo ay raadinteedu adkaan doonto.

Jibuuti waxa ay soosaartay qoraal welwel badan ka muujiyey hadalka madaxweynaha Soomaaliya ee ku wajahan in cunaqabateynta caalamiga ah laga qaado Erateriya

[1] Dumeera waa buuraley jamhuuriyadda Jibuuti ka xigta koofur bari, Erateriyana ugu began Bari, una dhow marinka Babul Mandab-Badda cas
General Editor

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

30 mins ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

3 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

3 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

4 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

6 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

7 hours ago