Dhowr jeer oo fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa Daacish kuwooda dhibka ka wado Soomaaliya.
Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa loo heystaa in uu ku mashquulsanaa aas-aasidda koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin
Max’ed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan, waxaa si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday Suuqa Bakaaraha.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa Daacish.
“Dood dheer ka dib,Maxkamada Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan.
Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka, magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Africa iyo ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…