Dowlada Kenya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku dishay howlgal ay ka fulisay Keynta Booni ee ay Ciidamada Kenya ka wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Hay’adaha amaanka Kenya ayaa sheegay in 4 ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgalkaas kuna qabsadeen 6 Qori oo AK-47.
Howlgalka ayey ku sheegeen in uu ka dhacay sohdinta Gobollada Gaarisa iyo lamu ee ku teedsan keynta Booni loo yaqaan.
Agaasimaha howlgalka Keynta Booni ee Ciidanka Kenya Joseph Kanyiri, ayaa sidoo kale sheegay in ay rasaas badan ka furteen AL-shabaab.
Waxaa uu mr Joseph Kanyiri, sheegay in howlgalka uu billowday markii Ciidamada AL-shabaab ay isku dayeen in ay weeraraan Siin Isgaarsiineed oo ay leedahay Sharikadda Safaricom kaddibna Ciidamada ay ku baxeen sidaasna dagaalka ku dhexmaray.
Dilka afarta qof ee ka tirsan AL-shabaab ayuu sheegay in ay ku soo aadday saddex bilood kaddib markii toban ka mid ah Al-shabaab lagu dilay degaanka Taksile ee ka tirsan Lamu.
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…