Hay’adda Xuquuqda Aadanaha iyo barashada siyaasadda ee CHRIPS, ayaa soo bandhigtay tirada weerarrada AL-shabab ay ka geysteen Kenya sanadkii la soo dhaafay iyo Khasaaraha ka dhashay.
Warbixinta Hay’adda waxaa lagu sheegay in AL-shabaab ay 26 Weerar ka geysteen Kenya sanadkii 2018kii, islamarkaana ay ku dhinteen 58 Qof.
41 ka mid ah dadka ku dhintay weerarrada AL-shabaab ee dhacay 2018 waxaa ay ahayeen Askarta dowladda halka ay 17 kale ahaayeen dad rayid ah.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in weerarrada AL-shabaab ee 2018 ay 71% beegsanayeen Ciidamada Difaaca ee KDF iyo Booliska.
Weerarrada ayaa hoos u dhacay 47% sida ay hay’adda sheegtay marka loo bar bar dhigo Sanadkii 2017 oo ay dhaceen 49 weerar,waxyeellana ka soo gaartay 108 qof.
Hay’adda CHRIPS, waxaa ay intaas ku dartay in inta ugu badan weerarradaas ay ka dhaceen Gobolka Soomaalida.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in Askarta dhimatay ay 18 ka mid ah yihiin ciidanak Difaaca ee KDF,5 GSU ah, 9 APs ah, 7 Booliska keydka ah iyo labo aan wali la caddeyn.
Weerarrada ugu badan waxaa ay dhaceen Bishii January ee 2018, waxaa dhacay 6, weerar,waxaana ku xigay july oo ay dhaceen 4 weerar.
Isha: The Star
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…