Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Raashin Kontrabaan ahaa oo laga qaaday gudaha Soomaaliya lana geliyay gudah Dalka Kenya.
Maxamuud Biriq oo ah isu duwaha amniga Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in Raashinka ay ciidanka qabteen loo waday in lagu maalgeliyo Al-shabaab.
Maxamuud waxaa uu sheegay in Dowladda aysan oggolaaneyn in si sharci darro ah looga ganacsado Kenya iyo Soomaaliya dhexdooda taas oo looga faa’ideysan karo maalgelinta Al-shabaab.
Ganacsatada ayuu uga digay in ay sii wadaan Ganacsiga noocan ah ee Badeecadaha looga qaadayo Soomaaliya laguna gelinayo dalka Kenya.
Raashinka la qabtay ayuu sheegay in uu ka kooban yahay Bariis,Sokor iyo Saliid,kuwaas oo lagu waday Gaadiidka waaweyn ee Xamuulka.
Labadii todobaad ee la soo dhaafay Ciidamada amaanka Kenya ayaa sheegay in 15 Gaadiidka weyn ah lagu qabtay inta u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya.
Wadayaasha Gaadiidkaas ayaa qaarkood Maxkamad loo gudbiyay halka labo kale oo Gawaarida ay wateen ku xirneyd taarikada Soomaaliya dib loo dhigay Maxkamadeyntooda.
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…