Midowga Afrika oo bogaadiyay dowladaha Somaliya iyo Itoobiya

Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay wadaan Waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ay ku doonayaan in xal kama damebys ah laga gaaro colaadda u dhaxeysa dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa qoraal uu ku qoray Bartiisa Twitterka ku sheegay in uu u soo dhaweeynayo dadaalka xoogga leh ee diblomaasiyadeed ee ka socda Geeska Afrika.

Waxaa uu Musa Faki intaas ku daray in booqashada Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku tageen Eritrea shantii Bishan oo ay xigtay booqashada Wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea,Somaliya iyo Itoobiya ku tageen Jabuuti tahay wax aad loogu farxo lana bogaadiyo.

Mr Faki Maxamed ayaa ku waaniyay dalalka geeska Afrika ee afarta ah in ay sameystaan iskaashi dhaqaale,amaan iyo mid Ganacsi oo xoog leh meelna iska dhigaan waxyaabaha murannada yar yarka ah ee u dhaxeeya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

2 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

2 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

2 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

4 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

6 hours ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

22 hours ago