Kenya oo diyaarado dagaal ka iibsatay Imaaraadka

Dowladda Kenya ayaa sagaal diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ka iibsatay dalka Imaaraadka Carabta.

Diyaaradahan oo noocoodu yahay Fennec, ayaa waxaa sameysay Sharikadda Airbus ee Laga leeyahay France,waxaana dowladda Kenya ay kala baxday lacag dhan $200 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Kenya Francis Ogolla,ayaa diyaaradahan ku soo bandhigay saldhigga Ciidanka Cirka Kenya ee Laikipia Air Base.

Kenya waxaa ay sheegtay in diyaaradahan ay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo diyaaradahan ay galaan in ay ka hortagaan Taangiyada,caawiyaan ciidanka Milatariga ah ee dhulka ka dagaallama, in ay  sahayda Milatariga gaarsiiyaan sidoo kalena looga faa’ideysan karo waxyaabo kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya,Omamo  ayaa sheegtay in Kenya ay ku biirtay dalalka  France, Singapore, Thailand, Australian, Brazil, Denmark iyo Imaaraadka Carabta oo uu Malatarigoodu adeegsado diyaaradahan.

Waxaa sidoo kale ay sheegtay in Kenya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ee adeegsan doona diyaaradahan,waxaa ay sidoo kale madasha ka sheegtay in ay hadda ka dib ka guurayaan diyaaradaha duugga ah ee ay horay uga iibsadeen Canada.

Lacaga diyaaradahan laga bixiyay ayey Kenya ka amaahatay Bangi ku yaalla Dalka Talyaaniga,waxaana lacagta loo bixinayaa si tartiib tartiib ah ilaa 10 Sano.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

8 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

10 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

11 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

15 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

18 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

18 hours ago