GUDAHA/wararka

Kalluumeysato raq iyo ruux la waayey oo meydkooda laga helay!

Sida ay daabacday Shabakadda Madaxa banaan ee Almasdar Online, waxaa maanta oo isniin ah la helay meydadka Dad kalluumeysato ah oo loo maleynayo in ay yihiin Soomaali, lana waayay 27-kii bishii tagtay ee Janaayo.

Dadka Meydadkooda la helay oo gaarayay saddex ruux ayaa la waday baadi-goobkooda, waxaa ugu dambeyn laga helay Biyaha Caalamiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen, gaar ahaan meel udhaw dhanka Somaliland.

Da’da dadka Saddexda ruux waxaa lagu kala qiyaasay qof da’ dhexaad ah iyo carruur la socotay oo lagu kala qiyaasay 14-sano jir iyo 13-sano jir oo ka jillaabanayay Biyaha u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabakadda Almasdar Online waxa uu sheegay in dadkaan xogtooda lagu helay, kadib markii Markab isticmaalayay biyahaas uu u dhawaaday doonta, kuna dhex arkay meydadka dadkaan.

Markabka ayaa sameeyay wargelin, waxaana sidaas loogu tagay Doonta oo laga soo qaaday dadka dhintay, waxaana socota baaris lagu sameeyay xogta kalluumeysatada meydadkooda la helay.

Cali Cabdullaahi Xasan oo ah qofka la hadlay Almasdar Online waxa shaaciyay in baadi-goobka dadkaan uu socday tan iyo 27-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan oo ku beegan waqtigii lagu waayay Raq iyo ruux.

Ma cadda in ay sababsadeen Kalluumeysatadaan Hirarka garaacaya Gaadiid badeedka iyo in ay waayeen wax ay cunnaan oo ay ka go’day sahaydii ay wateen, maadaama waqti dheer ay ku jireen badda.

Maamulka Magaalada Axwar ee Gobolka Abyan ee Dalka Yemen, ma faah-faahin dhalashada dadkaan in ay yihiin Soomaali ama Yemeniyiin oo labada kalluumeysato ay kalluunka ka jillaabtaan Biyaha Caalamiga ah ee u dhaxeeya labada Wadan.

MM Editor

Recent Posts

Muxuu yahay Cadaadiska uu Abiy Ahmed ku hayo Wasiirradiisa?

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…

5 mins ago

Guddiga Doorashooyinka oo 21 cisho u furay in ay isu diiwaangeliyaan Ururrada Siyaasadda

Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay diiwaangelinta ururrada…

13 mins ago

Qoys Kenyaan ah oo Ruushka ka dalbaday in uu kusoo wareejiyo Wiilkooda oo ku dhintay Dagaalka Ukraine

Qoyska Matiabe Onchari oo ah 38 jir kasoo jeeda Tuulada Nyamondo, deegaanka Koofurta Mugirango ee…

3 hours ago

QM oo baaraysa shaqaale katirsan oo ku dhintay Xabsiyada Xuutiyiinta

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi…

4 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa dib u daabicista lacagta Shilinka Soomaaliga kaddib 36 sano

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib…

20 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in 31 sano ka dib la soo gaba gabeeyo Xafiiska QM ee Arrimaha Siyaasadda?

Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee…

23 hours ago