GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa dib u daabicista lacagta Shilinka Soomaaliga kaddib 36 sano

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib u daabicista lacagta Shilinka Soomaaliga, kaddib muddo 36 sano ah oo aan dib loo daabicin.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay ku howlan tahay sidii dib loogu soo celin lahaa kalsoonida lacagta dalka.

“Muddo 36 sano ka dib waxaan dib u daabaceynaa lacagta Shilinka Soomaaliga, waxaana ku dadaaleynaa sidii aan u soo celin lahayn kalsoonideeda,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Iimaan Cige.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli bilowgii sannadkan 2026 guud ahaan dalka uu ka joogsaday isticmaalka Shilinka Soomaaliga, iyadoo lacagaha qalaad, gaar ahaan Doollarka Mareykanka, ay si weyn ugu badan yihiin wax kala iibsiga iyo adeegyada ganacsi ee dalka.

Sidoo kale, Tillaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay wasaaradda Maaliyadda XFS horgeysay Wax ka badalka Sharciga Bangiga Dhexe.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Suudaan oo Maamulka Puntland ku eedeysay in uu qayb ka yahay colaadda ka jirta Dalkeeda

Saraakiil ciidan oo katirsan Dowladda Suudaan ayaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya ku eedeeyay in uu…

4 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay naqshadda cusub ay u baddeshay Baasaboorka Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay naqshadda cusub ee Baasaboorka dalka maadaama ay xubin rasmi…

5 hours ago

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Hubka oo laga mamnuucay

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga mamnuucay in ay hub ku dhex…

5 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge gudaha xerada Xalane

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge, oo ah nin u dhashay…

19 hours ago

Aadan Mqdoobe oo guddoomiyay kulan diirada lagu saaray xaaladda Amni ee Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay kulan aan…

22 hours ago

Muxuu yahay Cadaadiska uu Abiy Ahmed ku hayo Wasiirradiisa?

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…

1 day ago