GUDAHA/wararka

QM oo baaraysa shaqaale katirsan oo ku dhintay Xabsiyada Xuutiyiinta

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi ay maamusho Kooxda Xuutiga ee Dalka Yemen, waxaana ay soo jeedisay in albaabada loo furo kooxahaaa wax baaraya si ay xaqiiqada uga dabatagaan.

Geerida Mohammed El-Shami oo ahaa mas’uul katirsan Guddiga Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka waxaa xiray Xuutiyiinta 6dii June 2024 waxaana ugu dambayn uu ku dhex dhintay Xabsigii lagu hayay Ninkaas.

Waxaa ka horreeyay sarkaal katirsan Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP oo sannadkii 2025 la dilay iyada oo aanay jirin faahfaahin buuxda oo ehelkiisa lala wadaagay waana tan keentay in ay walaac xooggan muujiyaan howlwadeennada Qaramada Midoobay.

Ma jiro war kasoo baxay Kooxaha Xuutiga ah ee Yemen, kaas oo ku saabsan geerida labada sarkaal ee Qaramada Midoobay katirsan, haddii ay aqbalayaan guddi madaxbannaan oo baara arrintaas iyo ehelka dadkaas in loo bandhigo warbixinno lagu qanci karo.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Qoys Kenyaan ah oo Ruushka ka dalbaday in uu kusoo wareejiyo Wiilkooda oo ku dhintay Dagaalka Ukraine

Qoyska Matiabe Onchari oo ah 38 jir kasoo jeeda Tuulada Nyamondo, deegaanka Koofurta Mugirango ee…

2 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa dib u daabicista lacagta Shilinka Soomaaliga kaddib 36 sano

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib…

19 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in 31 sano ka dib la soo gaba gabeeyo Xafiiska QM ee Arrimaha Siyaasadda?

Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee…

22 hours ago

Turkiga oo sheegay in uu Soomaaliya ka caawinayo Amniga Badda

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka waacinayso adkaynta Amniga Badda si looga hortago…

24 hours ago

Muddo sharciyeedka Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku siman

Waxaa maanta ku siman muddo sharciyeedka Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo…

1 day ago

Jarmalka oo kamid noqday Dalalka Yurub ee Dibadbaxyada Dhallinyarada gilgileen

Dalka Jarmalka ayaa kamid noqday Dalalka Yurub kuwaas oo ay gilgileen dibadbaxyada dhallinyada ka cabanaysa…

1 day ago