Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNTMIS, kaddib markii la dhammaystiray muddadii labada sano ahayd ee kala-guurka, taasoo qeyb ka ahayd qorshaha lagu wareejinayay mas’uuliyadaha hawlgalka hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Xiritaanka UNTMIS ayaa soo afjaraya in ka badan 30 sano oo Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka waday taageero dhinacyada nabadaynta, dowlad-dhiska iyo wada hadalsiinta dhinacyada Siyaasadda.
Hawlgalkan ayaa ahaa marxaladdii ugu dambeysay ee taageerada siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taasoo soo bilaabatay 1995-kii, xilligaas oo la aasaasay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS), waxaana xigay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo shaqadiisa bilaabay 2013-kii, ka hor inta aan loo beddelin UNTMIS sannadkii 2024-kii.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Qaramada Midoobay, mas’uuliyadihii UNTMIS ayaa si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyay hay’adaha dowladda Soomaaliya, hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Madaxa UNTMIS ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in xiritaanka hawlgalku uusan ka dhignayn dhammaadka xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
“Maanta ma aha dhammaadka iskaashiga ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, balse wa gabagabada cutub iyo bilowga mid kale,” ayuu yiri Raisedon Zenenga.
Soo gabagabeynta UNTMIS ayaa ku timid codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya, kaasi oo la xiriiray in dalka gaarey isku filnaan dhinaca Siyaasadda iyo Amniga.
Mustaqbal
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…
Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay diiwaangelinta ururrada…
Qoyska Matiabe Onchari oo ah 38 jir kasoo jeeda Tuulada Nyamondo, deegaanka Koofurta Mugirango ee…
Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib…
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka waacinayso adkaynta Amniga Badda si looga hortago…