Qoyska Matiabe Onchari oo ah 38 jir kasoo jeeda Tuulada Nyamondo, deegaanka Koofurta Mugirango ee Ismaamulka Kisii ee Kenya ayaa la waayay xogtiisa iyada oo markii dambe ay soo baxeen xogo sheegaya in uu ku dhintay Dagaalka Ukraine isaga oo ka dhinac dagaalamaya Ruushka.
Qoysku waxa uu dalbaday in Wiilkooda lagu soo wareejiyo si ay ugu quustaan una aastaan waxaana Dowladdooda ay waydiisteen in ay u istaagto arrintaan oo ah xuquuq ay ku leeyihiin sida ay hadalka u dhigeen.
Waxa ay sheegeen markii uu wiilkooda uu ka tagayay uu shaqo ugu aaday Dalka Carbeed ee Qatar balse markii dambe loo sheegay in uu kamid noqday Ajaanib Afrikaan u badan oo Ruushka loo gacan geliyay si ay ugu mid noqdaan Kooxaha uu u adeegsanayo Dagaalka ka dhanka ah Ukraine.
Xukuumadda William Ruto weli kama aysan hadlin arrintaan inkasta oo ay jiraan xogo sheegaya in ay diiwaangelisay macluumaadka dhallinyarada la xaqiijiyay in ay Kenya ka tageen kana dhinac dagaalamayaan Ruushka kuwaas oo qaarkood dhintay halka kuwo kale ay gacanta u galeen Ciidanka Mititariga ah ee Ukraine oo horay usoo bandhigay qaarkood.
Mustaqbal
Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib…
Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee…
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka waacinayso adkaynta Amniga Badda si looga hortago…
Waxaa maanta ku siman muddo sharciyeedka Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo…
Dalka Jarmalka ayaa kamid noqday Dalalka Yurub kuwaas oo ay gilgileen dibadbaxyada dhallinyada ka cabanaysa…