GUDAHA/wararka

Maamulka Buule Burte oo ka dayriyey shaqada Garoonka diyaaradaha Buuloburde!

Degmada Buule Burte ee Gobolka Hiiraan waqti fog waxa ay ku jirtaa go’doon ay geliyeen Al-Shabaab, waxaana istaagay isku socodka Gaadiidkii gela iyo kuwa ka baxa Degmadaasi.

Wadada kaliya u furan degmadaas waa dhanka duulimaadka diyaaradaha yar yar ee maalin waliba caga dhigta Garoon aan u dhameystirneen adeegyada Bulshada oo ay sameysteen dadka deegaanka.

“Waxaa burbursan Wadada ay ku oroddo diyaaradda kolka ay duuleyso kuna soo degto, ma wareegsano garoonka oo waa meel banaan, mana jiraan goobo nasasho oo ay dadka kusii sugaan diyaaradaha. Ayuu yiri Liibaan Cabdi Burusow ku simaha Gudoomiyaha Degmada Buule Burte.

Dadka sugaya diyaaradaha ma helaan kuraas, waxaana ku jira dad waayeello ah iyo bukaanno aan awoodin in ay cadceedda u taagnaadaan diyaaradda ay raacayaan. Ayuu yiri Liibaan Cabdi oo ah ku simaha Gudoomiyaha Degmada Buule Burte.

Sugidda ammanka Garoonka waxa uu sheegay in ay mas’uuliyad ballaaran iska saareen, ciidamada Dowladda ay had iyo jeer la socdaan dhaq-dhaqaaqa dadka ka duulayo iyo kuwa ka degaya.

“Dadka Buulo Burte waa ay dadaaleen, waxa aan isleeyahay waxaa la joogaa waqtigii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ay u dhameystiri lahaayeen waxyaabaha ka ka harsan adeegga Garoonka Diyaaradaha” ayuu sii raaciyay ku simaha Gudoomiyaha Buule Burte.

Mustaqbal-Buulaay-Hiiraan

MM Editor

Recent Posts

Dowladda Suudaan oo Maamulka Puntland ku eedeysay in uu qayb ka yahay colaadda ka jirta Dalkeeda

Saraakiil ciidan oo katirsan Dowladda Suudaan ayaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya ku eedeeyay in uu…

5 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay naqshadda cusub ay u baddeshay Baasaboorka Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay naqshadda cusub ee Baasaboorka dalka maadaama ay xubin rasmi…

6 hours ago

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Hubka oo laga mamnuucay

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga mamnuucay in ay hub ku dhex…

6 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge gudaha xerada Xalane

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge, oo ah nin u dhashay…

20 hours ago

Aadan Mqdoobe oo guddoomiyay kulan diirada lagu saaray xaaladda Amni ee Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay kulan aan…

23 hours ago

Muxuu yahay Cadaadiska uu Abiy Ahmed ku hayo Wasiirradiisa?

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…

1 day ago