GUDAHA/wararka

Jubaland oo hanjabaad kale u dirtay Dowladda Federaalka ah

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay in go’doomin sharci darro ah ay saartay Maamulka Jubaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in xayiraadda dowladda Soomaaliya ay saartay Maamulka Jubaland ee dhinaca duullimaadka ah ay saameyn taban ku yeelatay dadka reer Jubaland.

Waxaa uu sheegay in ay adkaatay nolosha dadka gaar ahaanna dhinaca socdaalka oo xitaa dhinaca amaanka uu saameyn ku yeeshay.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay mas’uuliyaddeeda qaadeyso isaga oo xusay in ay dacweyn doonaan.

Mr Sayid Aadan ayaa sidoo kale ka hadlay xarigga Wasiirka Amniga Jubaland C/Rashiid Janan oo uu sheegay in uu sharci darro ugu xiranyahay Magaalada Muqdisho.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in ay kaalintooda dhex dhexaadnimada ah qaataan islamarkaana la socdaan xaaladda Jubaland.

News Editor

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

7 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

8 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

9 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

12 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

13 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

13 hours ago