Warar goordhow soo gaaray warqabadka Mustaqbal ayaa sheegaya in Xildhibaan C/Qaadir Caraboow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ka badbaaday qarax lagula eegtay wadada Maka Al-Mukarama ee bartamaha magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Miino wadada la dhigay ayaa lala eegtay gaadiid uu watay Xildhibaanka, iyada oo qaraxa khasaaraha ugu badan uu gaarsiiyay gaari Cabdi Bile ah oo ilaalinayay Xildhibaanka.
Saraakiil dhinaca amaanka ah ayaa Warbaahinta Mustaqbal u sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 3 qof oo laba kamida ay ahaayeen Illaalada Xildhibaanka, halka qof kalena uu ahaa Nin Darawalka Mooto Bajaaj wadada mareysay.
Xildhibaanka Caraboow ayaa la sheegay in goobta laga kexeeyay isaga oo bedqaba, waxaana halkaasi rasaas dhowr jiho u riday ilaalada Xildhibaanka iyo askar kale oo ku sugneyd isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho oo ah goobta uu kadhacay Qaraxu.
Waxaa sidoo kale jira dad dhaawacyo ay ka soo gaareen qaraxa oo u abdnaa kuwo ku sugnaa Hoteel cusub oo caawa loo fadhiyay xafladiisa xarig jarka, kaasoo ku yaala meel kudhow goobta qaraxa ka dhacay.
Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…
Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…
Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…
Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…