GUDAHA/wararka

Ilhaan Cumar: ” nolosheyda ayuu qatar geliyay Trump”

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa madaxweynaha dalkaasi Donald Trump ku eedeysay in uu halis geliyay nafteeda.

Ilhaan ayaa sheegtay in Trump uu baahiyay muuqaal been abuur ah oo la xiriira iyada oo ciyaareysa xilli dadka Mareykanka u murugoonayeen dadkii lagu dilay Mareykanka sanadkii 2001dii.

Muuqaalkaas ayey sheegtay in uu ahaa been abuur madaxweynuhuna qeyb ka qaatay in muuqaalkaas baaho islamarkaana dadka neceb Ilhaan Cumar u hanjabaan.

Ilhaan ayaa sheegtay in muuqaalka la baahiyay uusan xilligaas ahayn ee uu ahaa mid ku saabsanaa mar loo dabaaldagayay Haweenka Madow ee ku jira Baarlamaanka Mareykanka islamarkaana Trump iyo taageerayaashiisa ay ka been abuuranayaan.

Muuqaalka ayaa la duubay 13kii September ee sanadkan labo maalmood kaddib baroordiiqda dadkii lagu laayay Mareykanka.

Xuska Haweenka Madow ee Mareykanka ayaa sanad kasta la qabtaa 11ka ilaa 1ka September, waxaana muuqaalkaasi Trump ka dhigay in ay ku jees jeeseyso dadkii Mareykanka lagu laayay 11kii Septmber sanadkii 2001dii.

News Editor

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

9 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

9 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

10 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

13 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

14 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

14 hours ago