GUDAHA/wararka

Joogtaynta Cabbista Bunka oo la sheegay in looga hortagi karo cudurrada ku dhaca Beerka

Daraasad ay sameeyeen dhaqaatiir ku sugan Dalka Maraykanka muddo toban sanno ahna ay soo wadeen baaristaas waxa ay ku shaaciyeen in cabbista bunka ama kafayga uu caafimaad u yahay Beerka bani aadamkana kana hortago cudurro uu kamid yahay Kansarka.

Inta ay daraasaddaan socotay waxaa lagu baaray dad ka badan 354,000 oo qof oo si dhow looga warqabay muddaas waxaana ay joogteeyeen cabbista Kafayga iyada oo ugu dambayn la sheegay in lagu ogaaday in beerkoodu uu wanaagsan yahay.

Dr Hyunseok Kim oo kamid ah Dhaqaatiirta ugu caansan ee daweynta cudurrada ku dhaca Beerta ayaa sheegay in daraasaddaan ay daboolka ka qaadday xogtaan oo muujinaysa in dadka joogtada ku cabba Bunka uu beerkooda ka badbaadayo cudurro kansarka uu kamid yahay.

“Muddo 10 sano ah waxaaan daraasad baaris ah ku wadnay In ka badan 354,000 oo qof oo si joogto ah u cabba Kafeey (Bunka), waxaana ku ogaanay in arrintaas ay kahortagto cudurrada Beerka ku dhaca oo uu ku jiro Xannuunka halista ah ee Kansarka” Sidaasi waxaa yiri Dr Hyunseok Kim oo ah Dhaqtar ku takhasusay cudurrada Beerka

Daraasado kala duwan oo dhinaca Caafimaadka ayay soo bandhigaan Dhaqaatiirta iyaga oo xogtooda ku xusa in ay muddo ku raadjoogaan arrintaan oo ugu dambayn daboolka ka qaadaan natiijada usoo baxda maadaama dhinac weliba ay kasoo eegaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

21 mins ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

18 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

21 hours ago