GUDAHA/wararka

Kumaandooska DANAB oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka fuliyay Shabeelaha Hoose

Kumaandooska DANAB ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka fuliyay Deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana war kasoo baxay Taliskaas lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 5 xubnood oo katirsan AS.

Mid kamid ah Raggii la weeraray ayaa la sheegay in uu xirnaa walxaha qarxa uu is qarxiyay waxaana warka kasoo baxay Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB lagu shaaciyay in uusan jirin khasaara kasoo gaaray qaraxaas.

Warka ayaa intaas lagu daray in hoggaanka Xubnaha ‘AS’ ee joogay Deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay isaga tageen halkaas kaddib markii ay culays ka dareemeen howlgallada ciidamada Dowladdu ay wadaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay burburisay goobo ay hubka ku kaydsanayeen ‘AS’ oo ku yaalla Deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana saraakiisha ciidanku ay sheegeen in ay sii wadayaan howlgalladooda.

Kumaandooska DANAB ayaa inta badan Gobolka Shabeelaha Hoose ka fuliya howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kuwaas oo marar kala duwan ka dhacay deegaanno dhowr ah, waxaana ka dhashay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Hoggaamiyaha Galmudug oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Jowhar

Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…

48 mins ago

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish

Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…

2 hours ago

Hoggaamiye ku xigeenka HirShabeelle oo Caleemosaarkiisa uga baaqday Khilaafka ka taagan Baladweyne

Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa baaqday caleemosaarka maamulkiisa maanta loogu samaynayo…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh oo maanta Xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada…

4 hours ago

Masar oo mar kale xaqiijisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Masar ayaa mar kale ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo…

17 hours ago

Ciidamada Mareykanka oo isaga baxay saldhigga Baledoogle kaddib 14 sano

Ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga diyaaradaha ee Baledoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha…

17 hours ago