Jeesoow: “Dal cadow nagu tilmaamay ciidankiisa ma aamini karno”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ku baaqay in Ciidanka Kenya laga saaro Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Kenya ay Soomaaliya ku tilmaantay Cadawgeeda sidaas darteedna dal cadow ku tilmaamay dal kale aysan ciidankiisa ka shaqeyn karin.

Waxaa uu Sheegay in xeerarka Caalamiga ah loo maro,Beesha Caalamkana soo farageliso islamarkaana Ciidanka Kenya ee ku jira AMISOM laga saaro Soomaaliya.

Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in Kenya ay ku soo duuli karto Soomaaliya maaddaama ay ku tilmaantay Cadowgeeda.

Jeesow ayaa soo jeediyay in marka hore Ciidanka Kenya laga saaro Soomaaliya,kaddibna laga wada hadlo waxa ay kala tabanayaan labada dal.

Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa gudaha soo galay sanadkii 2011kii iyaga oo aan oggolaansho ka helin Baarlamaanka Soomaaliya.

Sanadkii 2012kii ayey qeyb ka mid ah ku biireen AMISOM,halka kuwo kalena ay wali si madaxbanaan uga howlgalaan Gobollada qaar sida Gobolka Gedo.

Mustaqbal media

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

48 mins ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

12 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

14 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

19 hours ago