GUDAHA/wararka

Maxay yihiin eedeymaha Warbaahinta Dowladda Jarmalka ka baahisay Kabtan Ayuub iyo Yacquub Siyaad?

Ayuub Cabdirisaaq oo loogu yeero Kabtan Ayuub iyo Yacquub Siyaad oo ah dhalinyaro caanka ah Baraha Bulshada, ayaa wajahaya eedeymo la xiriira hurin colaad iyo dagaal, sida lagu baahiyay warbixin ay diyaarisay Warbaahinta Dowladda Jarmalka ee DW.

Warbixinta oo ah mid dheer ayaa waxaa ku jira caddeymo muuqaalo iyo sawirrada Ayuub Abdirasaaq oo lagu eedeynayo inuu dhiirrigeliyay colaadaha iyo dagaallada ka socda gudaha dalka ayaa la sheegay inuu Jarmalka tagey sannadkii 2017. Inkastoo sannadkii 2020 la diiday codsigiisii magangelyo, wuxuu sii joogay dalkaasi, isagoo wata sharci ku meel gaar ah.

Wuxuu Baraha Bulshada ku baahiyay gaar ahaan TikTok muuqaal uu kaga hadlayo dagaal, hub, iyo weerar uu kula taliyay taageerayaashiisa, isaga oo ballanqaadyo lacageed sameynaya.

Warbaahina DW ayaa caddeyn ahaan u isticmaalay muuqaalo Kabtan Ayuub oo xiran dharka ciidanka, isaga oo sita sita hub ayna la socdaan ciidamo hubeysan.

Si gaar warbixinta waxaa ay sheegtay inuu xiriir dhow ka dhaxeeyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Kabtan Ayuub.

Warbixinta DW ayaa sidoo kale soo qaadatay Yacquub Siyaad oo isagana kamid ah dadka Caanka ka ah Baraha Bulshada, isla markaasna lagu eedeynayo hurinta colaad iyo dagaal.

Yacquub wuxuu safarro ku yimid Soomaaliya, halkaas oo lagu arkay isagoo la kulmaya kooxo hubeysan. Inkastoo uu hadda ku sugan yahay Jarmalka, haddana waxaa baaraya Booliiska dalkaasi.

Dhinaca kale, Kabtan Ayuub ayaa isna wajihi kara dambiyo la xiriira abaabulka dagaal haddii uu ku laabto Yurub.

Yacquub iyo Ayuub weli kama aysan hadlin eedaha culus ee uu ka baahiyay Telefishinka Dowladda Jarmalka ee DW.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

41 mins ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

56 mins ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

3 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

14 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

16 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

20 hours ago