Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xarrig jaray xarunta dayactirka Maraakiibta Dalkaas, waxaana uu bogaadiyay howshaan oo dalkiisa usoo jeedin doonta himilooyinka fog ee dhinaca Badda.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in xaruntaan ay taageerayso sidii Dalkiisa oo dhaca Badda Cas ay ugu soo hiran lahaayeen Maraakiibta kala duwan oo halkaas ku heli doona adeegyo muhiim u ah sii jiritaankooda sida uu hadalka loo dhigay.
Xaruntaan waxa ay ku taallaa meel u dhabay marinka istaraatiijiga ah ee Baabul-Mandab, waxaana uu la jaanqaadayaa ballaarinta Jamhuuriyadda Jabuuti ee dhinaca Maalgashiga Dekedaha iyo kaabayaasha farsamo.
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa horumar ku wada kaabayaasheeda dhaqaalaha si ay u furto albaabada maalgashiga, waxaa socda qorshaha lagu hirgelinayo himilooyinka dalkaas si loo gaaro hiigsiga fog iyo kan dhow sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.
Mustaqbal
Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…
Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…
Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa baaqday caleemosaarka maamulkiisa maanta loogu samaynayo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada…
Masar ayaa mar kale ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo…
Ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga diyaaradaha ee Baledoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha…