GUDAHA/wararka

Trump oo ka quustay in uu awood ku furo Marinka Hormuz

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa u muuqda in uu ka quustay furista Marinka Hormuz kaddib markii uu si toos ah u sheegay in aanay dalkiisa adeegsan sidaas awgeed in laga gacan maroojiyo ay tahay arrin u taalla Khaliijka, Yurub & kuwa kale ee isticmaalla.

Donald Trump ayaa la sheegay in uu arrintaan qorshe cusub ka leeyahay maadaama uu fashilmay qorshihii uu lacagta uga qaadan lahaa Dalalka Khaliijka si uu ugu adeegsado dagaalka ka dhanka ah Iiraan maadaama uu la kulmay culays ciidan oo xooggan.

Trump ayaa dhanka kale hadalkiisa loo fasiray in uu raadinayo qaabkii uu uga dib guran lahaa dagaallada bariga Dhexe oo ku noqday si ka duwan maladii uu iska dhaadhiciyay kahor inta uusan fulin duullaankaas sida hadalka loo dhigay.

Iiraan ayaa sida ay doonto u maamusha Marinka Hormuz oo 20% Shidaalka Adduunka maraya, Dalalka ay is fahmaan ayay u fasaxdaa Maraakiibtooda iyada oo horay Tehran u sheegtay in keliya ay halkaas ka xirtay Maraykanka, Israa’iil iyo cid weliba oo garab istaagta.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Hoggaamiyaha Galmudug oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Jowhar

Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…

58 mins ago

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish

Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…

3 hours ago

Hoggaamiye ku xigeenka HirShabeelle oo Caleemosaarkiisa uga baaqday Khilaafka ka taagan Baladweyne

Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa baaqday caleemosaarka maamulkiisa maanta loogu samaynayo…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh oo maanta Xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada…

4 hours ago

Masar oo mar kale xaqiijisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Masar ayaa mar kale ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo…

17 hours ago

Ciidamada Mareykanka oo isaga baxay saldhigga Baledoogle kaddib 14 sano

Ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga diyaaradaha ee Baledoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha…

17 hours ago