Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa digniin u diray Ciidamada labada heer ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Shuute ayaa ka digay in lagu dhaqaaqo aargudasho, beegsi iyo abuurista wax weliba oo dhalin kara fal dambiyeed haddii laga dhega furaysta arrintaasina waxa uu sheegay in gacmaha sharciga uu gaari doonno cid weliba oo arrrintaas samaysa.
Waxa uu ciidamada iyo saraakiisha faray in ay joogaan meelaha loo cayimay ilaa inta uu kasoo baxay amar kale, waxa uu xafiiska Xeer ilaalinta iyo saraakiisha kula dardaarmay in ay kor joogteeyaan arrimahaan si loo dhaqangeliyo awaamiirta soo baxday.
“Ma jirto cid laga adkaaday & Cid adkaatay, waxaa Askarta looga baahan yahay in ay ilaaliyaan Sharciga kana fogaadaan wax weliba oo fal dambiyeed dhalinaya” sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS, Xasan Cali Nuur Shuute.
Saraakiisha ugu sarraysa Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka oo ay wehliyaan kuwa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa kulamo lagu xoojinayo amniga Magaalada Baydhabo oo dhowaan isbaddel cusub gashay ku yeeshay Magaaladaas.
Mustaqbal
Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…
Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…
Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa baaqday caleemosaarka maamulkiisa maanta loogu samaynayo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada…
Masar ayaa mar kale ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo…
Ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga diyaaradaha ee Baledoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha…