Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la xir xiray xubno ka tirsanaa Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee Dowlad degaanka Soomaalida.
Xubnaha maanta la xiray waxaa ka mid ah labo Wasiir oo dhawaan ay Somaliland xirtay islamarkaana dib ugu celisay Itoobiya,waxaana ay Somaliland ku eedeysay in ay sharci darro ku galeen degaannadeeda.
Sidoo kale waxaa la xiray Xildhibaanno ka tirsanaa Maamulkii Dowlad degaanka Soomaalida kuwaas oo maalin ka hor Baarlamaanka dowlad degaanka uu ka qaaday xasaanaddii.
Xubnaha maanta la xiray ayaa kala ah; Cabdi Jamaal Axmed,Wasiirkii Caddaaladda, Ibraahim Aadan Sacab,Wasiirkii waxbarashada,labada waxaa Itoobiya ku gacan gelisay Somaliland,sidoo kale waxaa la xiray Cumar Maxamed Rooti iyo Deeq Buraale Laba Go’le oo labaduba ka mid ahaa Baarlamaanka Dowlad degaanka Soomaalida.
Booliska Itoobiya ayaa shalay xabsiga dhigay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar,waxaana xariggiisa soo dhaweeyay Ururka ONLF iyo Hay’adda u doodda Xuquuqda aadanaha ee HRW.
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…