Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada sida Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta iyo xubno ka socday beesha Caalamka oo dowladda Soomaaliya ka gacan siinaya daabacaadda lacagta cusub.
Wasiirka Maaliyadda Somaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in isbeddelka lagu sameynayo lacagta Shilinka Soomaaliga ah ay gabo gabo mareyso.
Wasiir Beyle ayaa u mahad celiyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya iyo Xubnaha Beesha Caalamka ee ka qeybgalay kulanka looga hadlayay daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dhamaadka sanadkan 2018ka uu dalku yeelanayo lacago cusub iyada oo Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ay sheegeen in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso heerka aaminaad xumida ee maareynta dhaqaalaha islamarkaana laga cafimayo deymaha caalamiga ah.
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…