Xulalka Italy iyo Poland ayaa isku garab dhacay kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka xulalka ee UEFA Nations League kulan ka dhacay Italy xilli wiilasha Roberto Mancini ahaayeen qaar awood badan.
Xulka Italy ayaa kulanka ku soo galay si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro kubadana maamulayay halka xulka Poland daafac ku jireen qaadayayna weeraro rogaal celis ah.
Italy ayaa ku dhawaatay dhawr jeer in ay dhaliyaan goolka halka Poland lafteedu sameeyeen fursado goolal loo badali karo laakiin ayna labadoodaba u suurtagalin in ay wax gool ah ka dhaliyaan.
Daqiiqadii 40-aad ayuu xulka Poland dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kulanka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Piotr Zielinski kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Italy ciyaarta maamulayay laakiin looga hor maray goolka lagana dhaliyay goolka 1-aad.
Qaybtii dambe ayuu xulka Italy si dar-dar leh ku soo galay kulanka iyaga oo sii lama jibaaray weerarkii ay ku qaadayeen xulka Poland si ay uga dhaliyaan goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 78-aad ayuu xulka Italy dhaliyay goolka 1-aad ee bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Jorginho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada xul isku dhaafi waayeen kuna kala bexeen bar-baro 1/1 ah.
Waa kuwan kulamadii laga ciyaaray UEFA National League.
Italy 1 – 1 Poland
Turkey 1 – 2 Russia
Albania 1 – 0 Israel
Lithuania 0 – 1 Serbia
Romania 0 – 0 Montenegro
Azerbaijan 0 – 0 Kosovo
Faroe Islands 3 – 1 Malta
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…