Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Inter Milan oo isha ku heysa xidig Real Madrid u ciyaara, Waa kee?

Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa xiiseenaysa inay lasoo saxiixato kubad sameeyaha reer Croatia ee Luka Modric inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Shabakada “Sky Italia” ee dalka Talyaaniga ayaa waxay shaaca ka qaaday in Inter Milan ay bilawday inay xiriir la sameyso dhigeeda Real Madrid iyo sidoo kale wakiilada laacibkan, si ay gacanta ugu dhigto saxiixiisa.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in wakiilada Luka Modric ay soo dhaweeyeen fikrada uu ugu dhaqaaqayo kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.

Luka Modric ayaa lagu soo waramayaa inuu si aad ah u xiiseenayo inuu ka garab ciyaaro labada xidig ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda ee Inter Milan Marcelo Prozović iyo Ivan Perišić.

Laakiin wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Luka Modric ay adag tahay in xiligan uu ka dhaqaaqo kooxda Real Madrid maadaama uu yahay xidiga koowaad ee Los Blancos kadib bixitaanka Cristiano Ronaldo oo dhawaan kaga biiray kooxda Juventus.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago