GUDAHA/wararka

Ingiriiska oo Cunaqabatayn kusoo rogay Hoggaanka sare ee kooxda RSF

Dowladda Ingiriiska ayaa maanta ku dhawaaqday in ay cunaqabatayn kusoo rogtay saraakiisha sare ee Kooxda Gurmadka Degdega ah ee RSF kaddib markii gumaad xooggan ay ka gaysteen Magaalada Al-Faashil ee Gobolka Daarfuur.

Bayaan kasoo baxay UK ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha Kooxda RSF Janaraal Cabdiramaan Xamdaan Dagalo, ku xigeenkiisa ahna walaalkiis Janaraal Xamadti lagu soo rogay cunaqabatayntaan sida warka loo dhigay.

Saddex sarkaal oo kale ayaa qayb ka ah cunaqabataynta kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen dhibaatooyinka ay gaysatay Kooxdaan markii ay gacanta ku dhigtay magaalada keliya gacantooda ka maqnayd ee Al-Faashir.

Dalal badan ayaa lagu wadaa in ay qaadaan tallaabo tan lamid ah maadaama beegsigii tooska ah ee Sarkaalka lagu magacaabo Abuu Lu’lu’ uu ka gaystay Magaalada Al-Faashir ay bar-madow ku noqotay Kooxdaan garabka ka heleysa Isutagga Imaaraatka Carabta.

Ingiriiska ayaa dhowaan qudhiisa waxaa lagu xusay warbixinno kala duwan oo soo baxay in Gaadiid dagaal oo uu ka iibiyay Isutagga Imaaraatka Carabta lagu gubay dagaallada ka socda Suudaan inkasta oo ilaa haatan aanay London arrintaas is gaar ah uga hadlin.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

1 hour ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

1 hour ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

13 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago