GUDAHA/wararka

XFS oo Dalal kala duwan kala kaashanaysa xal u helista xaaladaha ka dhashay Abaaraha

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa billowday kulamo xal loogu raadinayo xakamaynta abaaraha ka jira qaybo kamid ah Dalka, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maalmo gudahood kula kulmay wakiillo kala duwan oo danaynaya ka qaybgalka arrintaan.

Xamsa Cabdi Barre ayaa fadhi gaar ah la qaatay Safiirrada Dalalka Shiinaha, Ruushka, Qatar, Imaaraatka Carabta, Masar, Sacuudi Carabiya & Hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha Bani aadamnimada si ay qayb uga noqdaan u gurmashada Dadka abaartu saamaysay.

Wakiilladaan ayaa dhankooda ballanqaaday in ay xoogga saarayaan sidii gargaar bani aadamnimo oo degdeg ah ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya si ay Dowladdu ugu qaybiyo ama u gaarsiiso dadka u baahan.

Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka jirta Abaar saamayn taban ku reebtay Dadka iyo duunyada, waxa ay qoysaska qaar billaabeen in ay isaga tagaan deegaannadooda si ay u raadsadaan meelaha ka nabadgalay abaartaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

14 hours ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

15 hours ago

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

17 hours ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

21 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

23 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

1 day ago