Kooxda Liverpool ayaa cwa marti u noqon doonto dhigeeda Napoli ka tirsan todobaadkii 2-aad ee Champions League.
Reds ayaa guul aad u qurux badan ku daah furatay tartanka markii xili Dambe gool uu dhaliyay Firmino ay guul 3-2 kaga gaareen naadiga PSG, halka kooxda reer talyaani ay barbaro ku bilaabatay koobka.
Tartanka: Champions League
Waqtiga: 10:00 pm ( SGA )
Garsooraha: Viktor Kassai ( Hungary )
Garoonka: San Paolo
Wararka Labada Koox.
Klopp ayaa la filayaa inuu sameyo laba isbadal oo safkiisaa iyo ay kamid yihiin Georginio Wijnaldum, Jordan Henderson ama James Milner oo laga yaabo inay la cayaaraan Naby Keita, kasoo badal kusoo galay kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen naadiga Chelsea.
Adam Lallana ayaa la safrin safka kooxda isagoo sii wata dhaaweynta dhaawac uu ka qabo gunaarka.
Labada cayaariyahan ee Vlad Chiriches iyo Amin Younes waa kaliya xiddigaha ka dhaawacan kooxda martigaliyaasha.
Xaqiiqooyinka Kulanka.
Kani waa kulankii seddaxaad ee dhexmara kooxaha Napoli iyo Liverpool tartamada yurub, markii ugu dambeyay oo ay kulmeen waxay aheyd xagaagii 2010-11 xiligaa oo ay ku kulmeen heer-ka group-ka koobka Europa League.
Markii u dmabeyay oo kulan dhexmaraa kooxahan waxay hayed November 2010, Liverpool ayaa ku badisay 3-1 cayaar ka dhacday Anfield iyadoo uu seddaxdley kulankaas uu dhaliyya Steven Gerrard. Kulankii kale oo ay ku kulmeen Naples ayaa ku dhamaaday goolal la’aan bishii October 2010.
Napoli ayaa badisay kaliya laba jeer sagaalkoodii kulan ee lasoo dhaafay koobka Champions League ( 2 guul, hal barbaro, iyo kulan guuldarro ), inkastoo kulamada guusha ay ku gaartay garoonkeeda.
Liverpool ayaa qasaartay hal kulan kaliya lixdoodii kulan ee kulamada banaanka koobka Champions League xagaagii hore ( 3 guul, 2 barbaro, iyo kulan qasaaro ), waxayna dhaliyeen 20 gool – kooxda kale ee goolal intaa la eg dhalisay kulamada banaanka hal xagaa koobka Champions League waa Real Madrid xili cayaareedkii 2013-14 (waxayna dhaliyeen 20 gool).
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…