Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

HORDHACA: Juventus Vs Man United+Safafka Macquulka ah.

Kulanka Todobaadkan ugu xiisaha badan Champions League-ga ayaa cwa ka dhicidoono garoonka kooxda Juventus waxaana kuso booqan doonta kooxda United.

Juventus ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u gaari lahayd guusheedii 4-aad oo xiriir ah tartanka champions League si ay u xaqiiqsadaan u soo bixitaankooda wareega 16-ka.

Man United ayaa dhanka kale doonaysa in ay ka aar gudato kooxda Juventus kuwaas oo 1-0 uga badiyay lugtii hore kulankii ka dhacay Old Trafford.

Kulanka: Juventus Vs Man United.

Tartanka: Champions League.

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo.

Garoonka: Allianz Stadium.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah kulankii 14-aad ee ay isaga hor yimaadaan United & Juventus tartamada yurub, Juventus ayaa badisay 6 kulan, United ayaa badisay 5 kulan halka ay bar-baro galeen 2 kulan 13-kii kulan ee hore.

Man United ayaa kaliya 6 jeer ayey laad ku laagtay goolka Juventus kulankii hore ee ka dhacay Old Trafford 2 todobaad ka hor waana markii 2-aad ee ay laadka ugu yar ku laagaan goolka kooxda ka soo hor jeeda iyaga oo marka kale tahay kulan ay la ciyaareen Shakhtar Donetsk bishii October 2013.

Kulankii ugu dambeeyay ee uu Jose Mourinho kooxda Juventus kula ciyaaro garoonkeeda ayaa ahaa kulan uu hogaaminayay Inter Milan kana tirsanaa Serie A-da markaas oo ay Juventus ku badisay 2-1.

Kooxda Juventus ayaa ah kooxda ugu badan ee guulo ka gaartay United marka ayna ku ciyaarayn garoonkeeda iyada oo ka gaaray 2 kulan lana mid ah kooxda Bayern Munich.

Safafka Macquulka ah:

Juventus: Szczesny, De Sciglio, Bonucci, Benatia, Sando, Pjanic, Matuidi, Bentancur, Bernadeschi, Dybala, Ronaldo

Man United: De Gea, Dalot, Smalling, Bailly, Shaw, Matic, Pogba, Fred, Sanchez, Martial, Lukaku.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

15 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

19 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

20 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

20 hours ago