SUUGAANTA

Hayeenkii Faneed ee Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jebiye)

Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday  hal-abuurkii weynaa ee Saxardiid Maxamuud Cilmi, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waaraabiyo dhammaanteenna Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Ila wadaaga wax aan sidaa u sii badnayn oo aan maalmahan ka diyaarinayay oo aan Diiwaankiisa ugu talo-galay. Waa qoraal aad u kooban oo aan ku guud marayo hayaankii faneed ee dheeraa ee uu soo maray.

Geeddi dheer ayuu guud ahaanba fanka Soomaaliyeed soo maray. Haddii aynu dhalashadisii muddeeya is-nidhaahno, qaybo badan oo ka mid ah tirada iyo taariikhduba waa ay inaga gadmanayaan. Sababta ugu mudan ee sidaasi ku imanaysaana waa qoraal la’aanta iyo innaga oo ka madhnayn siyaabo kale oo door ah oo aadanuhu wax ku keydsado. Aniga oo aan u hollan in aan rajada iyo ididiiladaba idin ka dilo, waxa nasiib-wanaag ah in qaybo ka mid ah fankeenna aynu u ab-tirin karno innaga oo si sax ah oo sugan u qeexayna curashadoodii iyo hayaankii dheeraa ee ay soo mareenba.

Qaybaha aan maanta u ambo-baxay waa durdurrada heellooyinka, heesaha iyo Riwaayadaha innaga oo ku eegayna ama ka dheeganayna hayaankii aadka u dheeraa ee faneed ee Saxardiid Maxamuud. Idinka oo taariikh-nololeedkiisa bogag kale ka daalacan doona oo aanan anigu immika u qalin qaadanayn, mar aan dhalashadiisii weydiiyay, wuxu ii sheegay in uu ku dhashay Xaafaddii Jameeco-weyn ee Hargeysa ku-sinnaan 1937kii. Barbaarintiisii wuxu soo maray noloshii caadiga ahayd ee wiil la mid ah oo magaalo oo markaa iyaduba koraysay soo mutay. Taxanaha Buugga ayay hal-muceedyada dheehashadu ku duugan yihiin.

Saxardiid Maxamuud oo Jebiye loo yaqaannaa mar la weydiiyay markii ugu horreysay ee uu maanso curiyo wuxu ku sheegay hilaaddii sannadlii 1948kii. Wiil yar oo magaalada Hargeysa ku koray ayuu ahaa. Wuxu ka shaqayn jiray baabuurta oo uu beryahaa saqeeye ka ahaa. Gabadh ayuu la dhacay bilicdeedii, hadalna wuu kala gaadhay ama dhex marayba. Da’-yaraantiisii ayaa u cuntami weyday gabadhii oo waa ay yaraysatay. Markaas ayuu u tiriyay midho aan la tumin oo aan caan-bixin. Midhahaas ayaa ugu horreeyay maanso uu curiyo. Halkaa marka aynu ka soo dhaqaaqno Saxardiid Maxamuud Cilmi oo loo yaqaanno Jebiye wuxu caalamka fanka ku jiraa ilaa maantadaa aynu joogno oo uu weli maansooyin tiriyo iyo heeso lagu qaadoba. Sannadkaa uu curinta bilaabay ee 1948kii ilaa maantadan aan joogno ee 2018ka waxa u dhexeeya 70 sannadood. Intaas iyo inta cimrigiisa ka hadhay ayuu Saxardiid ku jiray caalamka curinta iyo hal-abuurka. Waxaan aamminsanahay in aanay jirin cid horyaalnimadaa kula tartami kartaa. Waxa intaa u dheer marxaladaha kala duwan ee fanka Soomaaliyeed soo maray ee uu intaba Saxardiid Maxamuud si togan uga soo adeegay.

Waxa laga yaabaa in qaar akhristayaasha qormadan ka mid ahi la yaabaan in Saxardiid toban-jirkiisii maanso curiyo. Beryahaa dhaqanka iyo dhalanka ayaa sidaa iska ahaa oo waqti hore ayaa wiilal iyo gabdhaba gaashaan-qaad iyo xil-qaadba la noqon jiray. Xilliyada la faalinayo waa tan maragga loo doono. Bal dhacdadan aan ugubka ahayn ee Saxardiid aan marag u doonno. Caalamka fanka aan ka raadiyo. Naxariistii Janno Ilaahay labadoodaba ha ka waraabiyo e’ Cumar Dhuule Cali (Cumar-mahdi) iyo Axmed Cali Haaruun (Dararamle) labadooduba waxay imtixaankii heesaha ee Radio Hargeysa galeen iyaga oo 13 jir ahaa. Labaduba waxay ii sheegeen in ay ku galeen heellada isku-shuban weliba iyada oo laga yaabo in ay labaduba kamanka tumanayeen. Beryahaa sidaas ayuu xaalku ahaa oo guryaha waqti hore ayaa laga foof tegi jiray.

Bal ka warrama Saxardiid oo ay laba jeerba yaraysatay gabadhaa dooqu ka qabsaday. Mar da’diisa iyo inta uu jiro ayay saluugtay, mar kalena saqeeyennimadii ayaa u cuntami weyday ayaan is-idhi. Miyaanu gar u yeelan in uu wax yidhaa? Maalintaa midhihii uu gabadhaa u tiriyay haddii aan gdollo ka soo qaato, sow kii yidhi:

Caashaay cayddi ii maleysaye,

Cishadaan ku arkaa canaanta lahoo,

Ciil iyo kororsaday calool-xum oo,

Cadaawe qof caashaqaan ahay,

Heestaa waxa u xigay hees uu tiriyay 1954kii. Markanna Saxardiid da’diisu waxay ahayd 16 jir. Mowduuca uu ka maansoonayaa waa mid siyaasiya oo qoto dheer. Waa dhaxal-wareejintii ummadda Soomaalyeed iyo markii ‘Hawd & Reserve Area’ lagu wareejiyay Boqortooyadii Itoobiya. Isaga oo saqeeye ah oo 16 jir ah ayuu heestiisii labaad oo ku suntanayd magaca ah ;Suuroobi meyso’ ka tiriyay dhagartaa laga galay ummadda Soomaaliyeed. Heestan waa la laximay waana la tumay. Sidaas ayay ku noqotay heestii ugu horreysay ee Saxardiid Maxamuud curiyo ee lagu luuqeeyo. Dhacdadan ayaa mar kale u marag furaysa xaqiiqada ah in beryahaa dhallinyaradu waqti hore xil-kas iyo xil-qaadba ku noqon jirtay. Tuduc haddii aan ka soo xiganno sow kii Saxardiid lahaa:

Ma suurowdo maanta sabiguna,

In uu seexdo saacan foorara,

Sifihii Neigii inoo dhigay iyo, (s.c.w),

waxayna sugeeysa suurtiiye,

Socoy oo waddankii la sii cadawgee,

Sabaalo hadhaye ka

General Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

3 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

6 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

10 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

11 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

12 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

13 hours ago