Dowladda Kenya ayaa sheegtay in muranka dhinaca Badda ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ay hurinayaan Waddamada Norway iyo Ingiriiska islamarkaana dacwad iyaga ka dhan ah gudbineyso.
Waxa ay ku eedeysay in khilaafka dhinaca badda ah ee Soomaaliya iyo Kenya ay hurinayaan dalalka Norway iyo Ingiriiska.
Afhayeenka Xukuumadda Kenya Cyrus Oguna, ayaa sheegay in waxa ugu wanaagsan ee xal lagu gaari karo uu yahay wadahadal dhex mara labada dhinac ee is heysta.
Peter Kagwanja, oo ah Khabiir Kenyaan ah islamarkaana falanqeeya Siyaasadda ayaa sheegay in Kenya dacwaddeeda badda ay ahayd hal heer halka Soomaaliya ay gudbisay dacwad dhan 10 heer oo tiiba ka kooban tahay 250 Bog.
Waxaa uu Waddamada Reer Galbeedka ku eedeeyay in Soomaaliya ay maaliyad iyo talo ahaan ka gacan siinayaan muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Kenya.
Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Kenya ayuu Wargeyska Sunday Nation ka soo xigtay iyaga oo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre ku eedeynaya in ay xiriir la leeyihiin sharikado shidaal baaris oo ay leeyihiin Norway, Canada iyo Sweden sidoo kalena taageero farsamo ka helayaan dalalkooda.
Kenya ayaa soo jeedisay in muranka labada dal lagu xalliyo kulan dhexmara Wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal, laakiin kulamo ay horay u yeesheen oo aysan waxba ka soo bixin ayaa rajo xumo gelinaya mira dhalka kulan kale.
Kenya waxaa kale oo ay walaac ka muujisay kulan dhawaan dhexmaray John Magufuli, oo ah Madaxweynaha Tanzania iyo Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxaana ay sheegtay in Farmaajo oo xiriir dhow la leh Eritrea iyo Itoobiya uu doonayo in Tanzaniya uu ku daro isbaheysi goboleedka.
Tanzania iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya muran dhinaca Badda ah,waxaana haddii Soomaaliya iyo Tanzaniya ay ka guuleystaan Kenya noqoneysaa dal dekad leh laakiin aan lahayn meel ay Maraakiibta u soo maraan.
Waxaa ay ku qasbanaan doontaa Kenya in dalalka Soomaaliya iyo Tanzaniya ay fasax weydiisato si Maraakiibta u socota Mombasa ay u maraan biyahooda una gaaraan Dekadda Mombasa halkaas oo ay ku tiirsanyihiin Dalalka Uganda, Koofurta Suudaan, iyo DRC.
Isha: DailyNation
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…