GUDAHA/wararka

Guddoomiye Cabdikariin “Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir waalooyaabaa doorashada soo socota”

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxabannaan & Soohdimaha Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashada soo socota ee golaha deegaanka looyaabo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ee hadda xilalka haya.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo dadka cusub ee tartamaya ay u siman yihiin Guddi ahaan oo qofkii cod badan hela uu metali doonno Bulshada Degmooyinka ee dhowaan codayn doonna.

Cabdikariim ayaa meesha ka saaray in Guddoomiyeyaasha hadda degmooyinka maamula ay ka fursad badan yihiin musharrixiinta kale ee loolanka kala dhaxeeya maadaama ay uwada siman yihiin Guddiga maamulaya Doorashada Dadweyne.

“Adduunka Doorasho oo dhan marka aad fiiriso qofka markaas kursiga jooga kama tago oo waana lala tarmayaa oo shaqada ka taga lama dhaho marka lala tarmayo, xogta aan hayo marka aan fiiriyay waalooyaabaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir hadda jooga” Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxabannaan ee Doorashooyinka & Soohdimaha Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in doorashada Dadweynaha ee Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir billaaban doonto 25ka Bishaan, waxaa u tartamaya musharrixiin kala metalaya Ururro Siyaasadeed oo maray habraaca Guddigaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

9 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

11 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

12 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

19 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

19 hours ago