Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland oo Laasacaanood u tagay xallinta colaad Beeleed

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland ayaa magaalada Laasacaanood ee Xarunta Gobolka Sool u tagay xallin colaad Beeleed ka taagan Gobolka.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo ay la socdaan labo Wasiir iyo xubno ka mid ah Xukuumadda Somaliland kana soo jeeda Gobolka Sool,ayaa isku dayaya wax ka qabashada colaadda u dhaxeysa labada beelood.

Baashe Safarkiisa waxaa ku wehliya Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo Wasiirka Waxbarashada Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), iyo xubno kale kuwaas oo Xalay habeennimo ka soo baxay Hargeysa.

Colaadda labada Beelood oo soo cusboonaatay todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 10 Qof,waxaana ku dhaawacmay tiro kale.

Dhawaan ayey Xukuumadda Somaliland oo kaashaneysa Odayaasha dhaqanka soo afjartay colaad labo Sano ka socotay Degaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag una dhaxeysay labo Beelood oo walaalo ah.

Mustaqbal media

Recent Posts

Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka Galmudug oo maanta billaabatay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa shaaciyay in maanta si rasmi ah ay uga…

9 mins ago

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

14 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

17 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

19 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

20 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

21 hours ago