Xildhibaan Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in go’aankii Madaxda Mamul Goboleedyada ay wada shaqeynta Dowladda federaalka ku hakiyeen uu saameyn karo Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020-ka.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Madaxda Maamul Goboleedyada ay xaq u leeyihiin in ay kulan ka yeeshaan Xaaladda Siyaasadeed ee dalka, balse go’aamada nuucaan oo kale ah aan ku habooneen in lagu deg dego.
Beesha Caalamka oo dhaqaale iyo taageero siiso Dowladda Federaalka ayuu ku tilmaamay in ay u fahmi karto kala socosho Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, sidaa awgeedna ay qaadan karto go’aano kale.
Nasiib darro ayuu sheegay in Xildhibaan Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil in laga dhaxli karo go’aankii Madaxda Dowlad Goboleedyada waa hadii aan dhicin dib ugu laabasho.
Doorashada qof iyo codkii ah ee la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020-ka waxa uu sheegay in cabsida ka taagan ay la xariirtay Amniga, balse arrintaan ay kasii dari karto maadama aan deegaanada doorashada la filayo in ay ka dhacdo ay maamulaan Maamul Goboleedyada.
Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn soo jeediyay in Wax waliba Miiska wada hadalka lagu dhameeyo si aan Soomaaliya dib ugu laaban Marxaladihii Soo maray.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in maanta si rasmi ah ay uga bilaabatay…
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…