Guddoomiyaha cusub ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta xilka la wareegay waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Cabdiraxman Cabdullahi, ayaa xilka la wareegay, waxaa kale oo goobjoog ahaa Hantidhowraha guud ee Dalka.
Wasiir C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Guddoomiyaha cusub, isaga iyo Hnatidhowrkaba ay ka wada shaqeyn doonaan horumarinta dhaqaalaha dalka.
Guddoomiyaha cusub ayaa dhawaan la magacaabay Bangiga dhexe ee dalka kaddib markii ay soo baxday in Nin ajannabi ah loo dhiibayo.
Cabdiraxman Cabdullahi, waxaa uu ahaa Lataliye dhinaca dhaqaalaha ee xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya,waxaana uu ka mid ahaa dadkii xulayay qofka noqonaya guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…