MW: Farmaajo “ in dowladda lagu dacweeyo beesha Caalamka waa dowlad dumin”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo madaxda kale ee dowladda ku dacweynaya Beesha Caalamka ay yihiin kuwa doonaya in ay dowladda dumiyaan.

Waxaa uu sheegay in Mucaaradnimada ay wanaagsan tahay laakiin in Beesha Caalamka la isku dacweeyo ay tahay dowlad dumin iyo faragelin shisheeye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay dad badan ay u maleeyaan haddii beesha Caalamka aysan taageerin dowladda in aysan dowladda dhaqaaqi Karin, dad badanna ay isdhiibeen.

Dadka dowladda ka soo horjeedo ayuu sheegay in yihiin dowlad dumiyayaal ee aysan ahayn mucaarid sax ah oo kala aragti duwanaan ku shaqeeya.

Magaalaad Nairobi waxaa ka socda shir u dhaxeeya Beesha Caalamka  iyo Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubaland,kuwaas oo dalbanaya in kaalmada ay beesha Caalamka siiso Soomaaliya si toos ah iyaga loo siiyo halkii dowladda dhexe loo marin lahaa.

Web master

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

18 hours ago