Galmudug oo Dhuusamareeb ku qabatay Rasaas ay sheegtay in loo waday Al-shabab,Sawirro

Laamaha Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa soo bandhigay agab ay sheegeen in loo waday dagaalamayaasha Al shabaab.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in hubkaan uu saarnaa gaari Caasi ah oo ka yimid dhanka Gobolka Bari uuna ku siijeeday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayna gacanta ku hayaan hubkii iyo gaarigii uu saarnaa.

Agabka ay soo bandhigeen Saaraakiisha Galmudug.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan ku wadaan wadihii gaariga oo ku xiran xarunta Nabad Sugidda Galmudug ee Magaalada  Dhuusamareeb.

Hub la sheegay inl lagu qabtay Dhuusamareeb.

Sargaal ka tirsan Nabad Sugida oo ay Idaacadda Mustaqbal la hadashay ayaa u sheegey in dhawaan xog dhamaystiran la wadaagayaan warbaahinta haddana baaritaan ku jiraan.

hubka ay ku soo bandhigeen Dhuusamareeb Saraakiisha Amniga Galmudug.

Al Shabaab oo maamula deegaano iyo dagmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud kama hadlin sheegashada Galmudug oo ah in ay qabteen hub loo waday Shabaab.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

20 hours ago