Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu dhaliilay habka ay u dhaqmayaan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada.
Isaga oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jubba la hadlayay ayuu sheegay in dowlad Goboleedyada ay faraha kula jiraan siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Farmaajo ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada ay shaqadooda caddahay islamarkaana ku saabsantahay horumarinta adeegyada degaannada ay madaxda ka yihiin sida Waxbarashada,Caafimaadka iyo wixii la mid ah.
Waxaa uu intaas ku daray in Madaxda dowlad Goboleedyada ay doonayaan in ay la kulmaan madaxweynayayaasha iyo ra’isalwasaarayaasha Caalamka.
Mar uu si gaar ah arrintaas uga hadlayay waxaa uu yiri “Madaxda dowlad Goboleedyada waxaa ay rabaan in ay la kulmaan madaxda Caalamka, Salvakiir ayey rabaan in ay la kulmaan, maxaa kala dhaxeyn kara Salvakiir”.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…