Dowladda Faransiiska ayaa war ay soosaartay waxa ay muwadiinteeda ugu baaqday in si degdeg ah uga baxaan Dalkaas kaddib markii Xukuumadda Paris ay cabsi ka muujisay suuragalnimada in Kooxaha Islaamiyiinta ah ay qabsan karaan Dalkaas.
Faransiiska ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ugu baaqay in ay si degdeg ah isaga baxaan maadaama ay kordheen xogaha muujinaya in kooxda ku xiran Al-Qaacida ay qabsan karto waddankaas sida hadalka loo dhigay.
Afgambigii ka dhacay Dalal dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika waxa uu soo afjaray soojitaanka Ciidanka reer Galbeedka gaar ahaan kuwa Faransiiska, marar badan waxa ay faafiyeen warar welwel geliyay bulshada Dalkaas inkasta oo markii dambe la beeniyay.
Ma jiro war kasoo baxay Xukuumadda Bamako oo ay uga falcelisay cabsida Faransiiska uu ka muujinayo in kooxaha hubaysan ee Al-Qaacida ku xiran ay qabsan karaan isla markaana caasimadda Mali ay xitaa go’doon geliyeen.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…