GUDAHA/wararka

Wasiir Cali Xaaji “Hooyada ku hor foolatay Isbitaalka Banaadir waa kiis dhacay 26ka Oktoobar, waxa aan samayn doonnaa guddi baara”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa faah-faahin ka bixiyay natiijada kasoo baxday baarista kiiska Hooyada ku hor foolatay afaafka hore ee Isbitaalkaas.

DR Cali Xaaji ayaa sheegay in kiiskaan uu dhacay 26kii Bishii dhowaan dhammaatay ee Oktoobar, waxa uu tilmaamay Hooyadaas oo aan billo dhammaysay isla markaana u baahatay daryeel dheeraad ah sidaas darteed loo wareejiyay goobaha caafimaad ee kale.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahayd mas’uuliyad darro loo baahan yahay in lagula xisaabtamo cid weliba oo leh mas’uuliyaddaas, waxa uu intaas ku daray Xeer ilaalinta & Laanta baarista Booliiska C.I.D. in ay kala kaashanayaan arrintaan.

“Waxa aan u caddaynayaa Ummadda Soomaaliyeed in uusan kiiskaan xalay ahayn oo uu dhacay 26kii bishii hore, waxa aan soo xaqiiqsanay in aan wax lacag ah lagu xujayn, maamulka Isbitaalka & shaqaalaha waxa ay inoo sheegeen in Hooyada Uurka leh canugeedu uu yahay billo dhiman, waxa aan samayn doonnaa guddi baara innaga oo kaashanaynaa Xeer ilaalinta & Dambi baarista C.I.D. si loola xisaabtamo cid weliba oo ku lug yeelata qaladka halkaas ka dhacay”  ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

8 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

13 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

16 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

20 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

21 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

22 hours ago