Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Markab lagu magacaabo Hellas Aphrodite ee ka diiwaangashan Jasiiradda Malta isla markaana shidaal u waday Dalka Koofur Afrika in uu weerar kala kulmay kooxo Burcad badeed Soomaali ah.
Sheekadaan oo Warbaahinta qabsatay ayaa la sheegay in kooxdu ay u suuragashay in ay gudaha u gasho Markabka oo marayay meel Biyaha Soomaaliya u jirta ilaa 1,000 KM kana mid ah meelaha aan looga shakin in ay weerarro sidaan oo kale ka dhici karaan.
Kooxda burcadda markii ay gudaha ugu daadatay Markabka waxaa falcelin cajiib ah sameeyay howlwadeennadii la socotay oo galay qaybta badbaadada ee loogu talagalay marka ay halistaan oo kale arkaan ugana badbaadeen kooxihii weeraray.
Rasaas ay ku fureen albaabada casriga ah kooxaha burcadda ah waxaa dhaawac kasoo gaaray mid kamid ah kooxahaas oo ugu dambayn markabkaan shidaalka waday ay ka degeen sida lagu sheegay warbixinno laga qoray.
Howlgalka ATALANTA ee kahortagga Burcad Badeeda ayaa durba kusoo baraarugay halista Kooxahaan maadaama markii labaad ay qaadeen weerarro halis ah oo aan u suuragalin soo qabshada maraakiibtii ay weerareen.
Mustaqbal
Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…
Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…