Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya weerar Fiidkii hore ee xalay ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaasoo lagu dilay laba qof.
Dableyda oo Bistoolado ku hubeysnaa, ayaa Xaafada Koodka, waxa ay ku dileen Gudoomiyihii Waaxda Horseed Xaaji Iikar, si gaar ah dilka waxa uu uga dhacay nawaaxiga Masjidka Sheekh Rumaanka.
Kooxda Toogashada geysatay, ayaa sidoo kale dishay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muxudiin Buuwe, Marxuum Buuwe, waxaa la sheegay inuu u shaqeynayay mid kamid ah SHirkdaha Xawaaladaha.
Ciidamada amaanka, ayaa tagay halka uu dilka ka dhacay, waxyar kadib markii ay goobta isaga baxsadeen Raggii weerarka fuliyay.
Lama soo sheegin wax dad ah oo lagu soo qabtay Holwgal mudo kooban ay sameeyeen Ciidamada amaanka, iyadoo markii danbe ganacsigii iyo isu socodkii ay dib u soo laabteen.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…