War- saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Dalka Eritrea ayaa meesha looga saaray hadal heyn bilihii la soo dhaafay ka jirtay geeska Afrika oo la xiriirtay in Ciidan ka socda Eritrea la geynayo Soomaaliya.
Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in ay aragtay qoraallo badan oo ay sameeyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Bariga Afrika,kuwaas oo sheegaya in Eritrea 5,000 oo Askari geyneyso Soomaaliya.
Warbaahinta ION ayey Wasaaraddu sheegtay in ay ka been abuurtay dalka Eritrea iyada oo ku eedeysay in marka Ciidanka AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya sanadka 2021ka ay Eritrea ciidan geyneyso Soomaaliya.
Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in madaxda saddexda dal ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya aysan marna ka wada hadlin wax ku saabsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,waxa ay ka wada hadleenna uu ahaa isdhexgalka dhaqaale ee Gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amaanka ah.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…